Al-shabaab iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay duleedka Boosaaso

0
45

Rag hubaysan oo ka tirsanaa Al-shabaab, ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ku leeyihiin tuulada Af-Urur oo dhacda duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Dadka deegaanka Af-Urur ayaa Warbaahinta u sheegay ineey maqlayeen rasaas iyo jug xoogaan oo ka dhaceysay aaga saldhig ciidamada Puntilad ay ku leeyihiin deegaankaas,waxaana jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarka, ayna dib u ceriyeen kooxihii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.

Dhanka kale qaraxa miinada oo nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamada cPuntlamd oo marayay degaanka Sugurre ee duleedka magaalada boosaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lal aleegtay kolonyo gaadiidka Ciidamada Puntland oo ku wajahnaa degaanka Af-urur, waxaan la sheegay inuu ku dhaawcmay oo kaliya hal askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here