Tuugadii dhaca u geestay Carwo Kaah oo la xukumay

0
44

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqane ka ahaa Maxkmamadda.

Maxkmadda ayaa sidoo kale ku xukuntay ineey bixiyaan lacag gaareysay $12,945 (Labo iyo toban kun, sagaal boqol iyo afartan iyo shan doolar).

Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayaa markii ugu horraysan ka soo muuqday CCTV.ga Camerada Carwa Kaah Electronic  29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac baahsan  geestay Carwada.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID.

Baaritaan dheer, cadeeymo la horkernay maxkamada iyo qiraal uu sameeyay mid ka mid ah labada eddeysane ayeey maxkamadu u cadaatay ineey galeen dambiga loo heestay,  waxeeyna ku xuxuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta hantida ay dheceen.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here