Maamulka G/Banaadir oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah wadooyinka

0
43

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid ah wadooyinka caasimadda gaar ah ahaan wadada Biyaasa-Liibaro iyo Wadada Jaziira ee degmada Wadajir oo ay dowlada hoose Xamar ka wado howla dib u habeyn ah kaas oo lagu xoojinaayo bilicda magaalada.

Kormeerkan waxaa duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaaye guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamuid Maxamed, iyadoo ujeedka kormeerkan uu ahaa mid uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Filish ugu kuurgalayay sida ay u socdaan mashaariicda dib-udhiska ah iyo arrimaha nadaafada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here