Ciidamada nabad sugida oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Koonfur Galbeed

0
200

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Koonfur Galbeeb ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo ujeedkiisu ahaa in la ciribtiro haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ayay ciidamadu waxay ka sameeyeen deegaanada Goofgaduud, Shabeelow, Abdurug, Buula tugeer iyo Aliyow Muumin oo dhammaantood hoosyimaada magaalada Baydhabo.

Ciidamada nabad sugida ayaa inta uu howlgalka socday ku soo qaBtay horjoogayaal argagixisada u qaabilsanaa dhibaateynta shacabka, sidoo kale, waxaa howlgalkaas maleeshiyada looga soo furtay maxaabiis u xirneyd.

Taliye hay’adda nabad sugida Koonfur Galbeed oo horkacayay howlgalkan guuleystay ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan howlgalada inta laga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya deegaanada ku dhow magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here