Horjooge Al.shabaab ahaa oo iska soo dhiibay gobolka Bakool

0
53

Maxamed Kuuloow Cali oo ka tirsanaa horjoogeyaasha sare ee Al-shabab ayaa isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

Saraakiisha Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ee xooga dalka ayaa warbaahinta u soo bandhigay Maxmed Kuuloow iyo hubkiisa, waxeey tilmaameen inuu ka soo goostay Al-shabaab.

Maxamed wuxuu sheegay in Al-shabab uu ku jirey mudo 1sano ah, isagoo  ka soo howlgaley tuulooyin iyo deegano hoos imaada gobolka Bokool.

Wuxuu la Kulmeyey amiirada sare ee Al-shabaab, wuxuuna Ka sheekeyey dhacdooyinkii foosha xumaa uu la kulmay intii uu kooxda ku jiray, isaga oo xusay ineey baadi jireen dad masaakiin ah oo ku ceertoobay abaaraha ka dhacay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here